Dagaal culus ayaa Al-Shabaab iyo Ciidamada Maamulka Galmudug waxa uu ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Ceebeere ee Gobolka Galgaduud,kaas oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan u dhow deegaanka Golangole ee isla Gobolka Galgaduud,waxana uu yimid kadib markii deegano ka tirsan gobolkaas ay galeen rag ka tirsan Al-Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbuur ahna kusimaha Gudoomiyaha Maxamed Sheekh  Maxamuud oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 4 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab,isla markaana uu jiro khasaaro kale.
Sidoo kale wax uu hadalkiisa intaasi ku daray in dagaalka ama howlgalka ka dhanka ah Al-Shababa ay siiwadi doonaan,isla markaana uusan joogsan doonin ilaa ay ka saarayaan deeganada Galmudug.
Gaba gabadii ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid ay uga hartagayeen Al-Shabaab oo doonayay in ay Xoolo si awood ah uga qaataan dadka ku nool tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.