Wararka aan ka heleyno duleedka degmad Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari ay saarnayeen Dad Shacab ah ay goordhow Miino la kacday.
Deegaanka lagu Magacaabo Daniga Baaloow oo ah Wadada aada dhanka degmada Afgooye ayaa la sheegay in Gaari Nooca loo yaqaano Homeyda, ay Miinadaas la qaraxday xili uu ku soo jeeday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo Gaariga saarnaa ayaa geeriyooday halka uu ay kuwo kale dhaawacmeen kuwaas oo qaarkood jirkooda uu Go’go’ay sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah Wariyaasha ku sugan degmada Balcad.
Gaarigaan ayaa ka yimid Tuulada Walamooy waxaana Saarnaa Haween ka Ganacsada Qudaarta la yiraahdo Bareey ama Bukureey oo ay u soo wadeen degmada Balcad.
Goobta ay Dadka Shacabka ah Miinada kula qaraxday ee Daniga Baaloow ayaa waxaa Maamula Al-Shabaab, waxana dhawaan halkaasi uu ku dhexmaray dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan dowladda oo weeraray.
Faah faahinta goordhow kala socda Radiodalsan.com