• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

DEG DEG:-Farmaajo oo shaqo joojin ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 27, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaqo joojin ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wareegto uu soo saaray Farmaajo Goordhow oo xili saq dhexe ah haatan ayaa waxaa uu shaqada uga joojiyay Rooble, waxaana uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal dhul ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka.

Farmaajo ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ka hakiyey awoodaha uu leeyahay inta uu socoto baarista ay wadaan Guddiga loo xilsaaray kiiska lagu eedeeyay ee ah inuu soo galay tuhun la xiriira ku takrifal dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda.

Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayuu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo faray inay sii wadaan waajibaadkooda shaqo, si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka..

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Farmaajo, waxayna u qorneyd sidaan:

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farnaajo

Markuu arkay qodobka 87aad ee Dastuurka KGM ah ee dalka kaas oo tilmaamaya inuu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Markuu tixraacay wareegtadii uu soo saaray 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ilaalinta dhulalka danta guud si waafaqsan qodobka 43aad ee Dastuurka KMG ee dalka;

Markuu arkay xeerkii uu ku mamnuucay ku takrifalka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada ee soo baxay 27kii Oktoobar 2021;

Markuu ogaaday in Ra’iisul Wasaaraha uu soo galay raad tuhun oo muujinaya inuu ku takrifalay dhul dan guud ah oo leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;

Markuu arkay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fureen baaris looga gun gaarayo tuhunka la xiriira Musuqmaasuqa dhul dan-guud ah oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed;

Markuu garwaaqsaday in Ra’iisul Wasaaraha uu saaray cadaadis Wasiirka Gaashaandhigga si loo leexiyo baarista looga gun gaarayo tuhunka la xiriira kutagri-falka dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu 26-kii Diseembar 2021, Wasiir cusub usoo baddalay Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo aan la dhamaystirin baaristii socotay taasoo looga gol leeyahay faragelinta baarista socota ee la xiriirta musuqmaasuqa dhul dan guud oo ay leeyihiin CXDS;

Madaxweynaha wuxuu soo saaray go’aamadan;

1-Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo;

2-Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda waxay sii wadanayaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka;

3-Waxaa lagu adkaynayaa dhammaan masuuliyiinta hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan ku takrifalka hantida danta guud, ayna dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka.

Previous Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 26-12-2021

Next Post

Taliyihii RW Rooble eedeeyay oo shaqo joojin lagu sameeyay

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Taliyihii RW Rooble eedeeyay oo shaqo joojin lagu sameeyay

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle

by Liban
July 17, 2025
0

Marka, Somalia  – The Somali National Army (SNA) has carried out a well-coordinated military operation in the Busleey area of...

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

by Liban
July 17, 2025
0

Algiers, Algeria  – A high-level delegation from the Federal Government of Somalia, led by the State Minister for Public Works,...

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

by Liban
July 17, 2025
0

Mogadishu — Bilan Media, Somalia’s first and only all-women newsroom, is offering Somali women journalists the chance to win $1,000 for...

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

by Liban
July 17, 2025
0

MOGADISHU – In a grand ceremony held last night in Mogadishu, the Somali Bankers Association honored the Federal Government of Somalia’s...

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle
English News

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria
English News

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists
English News

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa
English News

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle
  • Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria
  • Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists
  • Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00