Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee uu Mareykanka leeyahay iney ku soo dhacday gobolka Shabeelada Hoose.
Diyaarada ayaa ku soo dhacday deegaanka Goobanle oo qayaastii 70 KM dhinaca waqooyi uga beegan deegaanka Belidoogle oo uu Mareykanka ku leeyahay xero militari.
Al Shabab ayaa gacanta ku dhigtay burburka diyaarada soo dhacday oo ahayd nooca wax basaasa sida ay baahiyen warbaahinta Al Shabab.
Diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa beegsada madaxda sar sare ee Al Shabab.