Wararka Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa ku warammaya in haatan dagaal xooggan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed uu halkaas ka socdo.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay dalsan in saakay ay ku waabariisteen daryanka rasaas culus oo ka dhaceysa degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose isla markaana dadka qaarkood ay ka barakacayaan magaalada si ay uga nabadgalaan khasaare ka soo gaara dagaalka socda.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka socda,dhinaca kalana maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degada Wanlaweyn wax faah-faahin ah kama aysan bixin.