Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Talyaaniga auyaa sheegay inay ku-dhawaad 729 Tahriibayaal maanta laga soo badbaadiyey doonyo marayey Badda Mediterranean Sea.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in Tahriibayaashaasi loo qaaday Dekedda Kataanya ee Jesiiradda Sicily.
Ilaaladda Xeebaha waxay kaloo heleen maydadka 9 qof oo ka mid ah Tahriibayaasha, kuwaasi oo ku geeriyootay muddadii ay safar-baddeedkaas ku soo jireen.
Tan iyo maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay waxay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga soo badbaadiyeen in ka badan 6,000 oo Tahriibayaal, iyadoo tiradda Tahriibayaasha la soo badbaadiyey sannadkan gaarayaan ku-dhawaad 155,000 oo Tahriibe.
Dhinaca kal, Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta ayaa sheegtay In ka badan 3,500 qof ku geeriyootay ama lagu waayey xilli ay doonayeen inay ka soo gudbaan Badda Mediterranean-ka.
Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Mattero Renzi ayaa sheegay inuusan dalkiisa qaabili Karin tiradaasi sannadka soo socda.
©Radio Dalsan