Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in uu haatan halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeyo Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay weerar ku soo qaaden Al-Shabaab fariisin Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas gaar ahaan Koontoroolka Ciidanka ee Buundada Afgooye.
Weli macada khasaraha ka dhashay dagaalka ka socdo degmada Afgooye,waxana dadka deegaanka qaarkood ay sheegayaan in ay weli rasaasta maqlayaan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com