DEG DEG:-Dad Ajaaniib ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Ethiopia

Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay maanta weerar ka geysteen Tuulladda Nedjo Woreda oo dhanka Galbeed ka jirta Deegaanka Wellega ee Dowlad-gobaleedka Oromiya ee dalkaasi.

Weerarkaasi oo abaarihii 7-dii iyo barkii subaxnimo ka dhacay Wakeyo Kebele ayaa waxaa dadka lagu dilay ka mid ahaa 2 qof oo Ajnabi ah, sida uu sheegay Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowlad-gobaleedka Oromiyadda.

Xafiisku ma uusan sheegin dalalka ay soo ka soo jeedaan labaada qof ee shisheeyaha ee lagu dilay weerarkaasi, balse, waxa uu Xafiisku sheegeen inay weli ururinayaan macluumaadka ku aadan ujeedada weerarkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media