Hadda ayaay bilaabatay codeynta xildhibaanada Hir-Shabeelle eek u aadan musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.
Xildhibaanada ayaa haatan codeynaya, waxana kulanka doorashada sir gudoominaya Gudoomiyaha baarlamaanka hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.
97 Mudane ayaa Goobjoog ah kuwaas oo l filayo in saacadaha soo socda ay kala saaraan 8 mushaarx isla markaana ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxana ka qeyb qaadanaya Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom.