Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weera xoogan ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha ee Balodoogle.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxybaaha qaraxa,kaasi oo la sheegay lagu dhuftay Albaabda laga galo Saldhiga Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee Balodoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in rag hubeysan oo Al-shabaab ay gudaha u galeen Saldhiga,isla markaana waxa intaasi kadib bilowday dagaal toos ah oo u dhexeeya kooxdii weerarka soo qaaday iyo Ciidankii Saldhiga ku sugnaa.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen juga qarax xoogan,iyadoo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay weerarkaas lagu qaaday Saldhiga Balli-Doogle ee ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka.