Sawirro:-Al-shabaab oo soo Bandhigtay Ergo ay sheegeen inay soo dooratay Maxamed Sh Cismaan Jawaari

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa soo bandhigtay qaar kamid ah Ergo ay sheegeen inay soo doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Ergada oo gaareysa 76 ruux ay ku jiraan qaar kamid ah kuwii soo doortay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Goobta lagu soo bandhigaayay Ergada ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyeyaasha Al-shabaab ee Gobalada Baay iyo Bakool,kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sheekh Cabdulaahi Macalin Geeddow, Sheekh Cali Katiin iyo xubno kale.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-shabaab Degmada Bu’aalle ee Gobolka Dhexe ay kusoo bandhigtay 51 ergo oo ay sheegeen inay soo doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo ay xusid mudan tahay in maalmihii la soo dhaafay ayy soo bandhigayeen Shabaab Odayaal qeyb ka ahaa soo xulista Baarlamaanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media