DEG DEG:-Agaasime Idaacadeed oo ku dhaawacmay qarax loogu xiray Gaarigiisa

Agaasimaha Idaacadda Hiddo oo ka mid ah Idaacadaha ku yaalla Magalada Muqdisho ayaa Goordhow ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa la sheegay in Gaarigiisa qaraxa loogu dhijeyay,isla markaana dhaawac uu ka soo gaaray markii Miinadii loogu dhejiyay ay la qaraxday,xilli uu ku sugnaa Agagaarka Garaashka Xaaji Baasto ee Isgoyska Shaqaalaha.

Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa sidoo kale ah Guddoomiyaha  Human Rights Journalist HRJ oo ah Urur u dooda xaquuda Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho ayaa loo qaaday dhaawaciisa,sida aan Wararka ku heleyno.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor