Qaxootiga Soomaalida ka soo jeeda Kilinka Shanaad ee Ogaadeeniya ee Qaxootiga ku ah dalka Yemen ayaa sheegay inay dhibaatayn iyo jir-dil kala kulmeen Shaqaalaha iyo Ilaaladda Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee ku yaalla Waddada Algerian Street ee magaalladda Sanca ee dalka Yemen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Ilaaladda Khaaska ee UNHCR (The UNHCR special guards) garaaceen dhowr qof oo ka soo jeeda Ogaadeeniya, kuwaasi oo doonayey inay galaan Xafiiska UNHCR.
Mid ka mid ah Qaxootiga oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan ayaa u sheegay Saxaafadda in isaga la jir-dilay, kadib, markii uu Xafiiska UNHCR u tegay, si uu ugu gudbiyo cabashadiisa ku aadan Saraakiisha UNHCR ee u xil-saaran Badbaadada Qaxootiga.
Waxa uu intaasi ku daray in mid ka mid ah Ilaaladda oo uu magaciisa ku soo koobay Xaamid uu feeray, kuna yiri:- “ Raac Taageerayaasha Ogaadeeniya ee mehradda ka dhigtay inay galab kasta qaad cunaan”.
Waxa uu intaasi ku daray in ay Ilaaladda sii garaaceen, kana jeex-jeexeen Khamiiskii uu watay
Qaxootiga Soomaalida deegaan ahaan ka soo jeeda Kilinka Shanaad ee ku nool Xeryaha Qaxootiga ee Yemen waxaa lagu qiyaasaa 500 oo Magangelyo-doon ah, kuwaasi oo dalka Yemen yimid sannadkii 2007-dii.
Kala-bar qaxootigaasi waa Haween iyo caarruur ayaan awoodin inay ka soo cararaan duqeymaha iyo dagaalladda ka socda Yemen, waxayna sheegeen inay horey uga soo qabeen dhibaatooyin ay kala soo kulmeen Dowladda Ethiopia, waa sida ay Qaxootigaasi sheegtaan.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Qaxootigaas waxay dhibaatooyin kala kulmaan duqeymaha lagu hayo Yemen, iyadoo qaxooti badan ay dhimasho iyo dhaawac kala kulmaan duqeymahaasi.
Qaar ka mid ah Qaxootigaasi oo u cawday Xafiiska UNHCR ee magaalladda Sanca ayaa loo sheegay inaysan dhibaatadda duqeynta iyaga ku koobnayn, oo ay Muwaadiniinta Yemen had iyo jeer dhibaatooyin kala kulmaan duqeymahaasi.