Dhageyso:-Kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Jubbaland oo buuq ku dhamaaday

Magalada Kismaayo waxaa Maanta Kulankii  64-aad ee kalfadhiga 4-aad ku yeeshay Xildhibaanada Dowlad goboleedka Jubbaland,iyaga oo kulankaas uga hadlayay ka doodeen hindise sharciyeedka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha Jubbaland.

Hayeeshee waxaa Sharcigaas muran ka keenay Xildhibaanada qaar ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,kuwaas oo sheegay in sharcigaan qodob ka mid ah uu yahay mid aan loo baahneyn in la horkeeno Xildhibaanada Jubbaland.

Xildhibaan Maxamed Daa’uud Cumar Jubba oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in hindise sharciyeedka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha Jubbaland ay ka mid yihiin in Guddiga Xildhibaankii iyo musharixii  ay doonaan ay ceyrin karaan.

Waxa u sheegay in Xildhibaanada Jubbaland aysan ansixin doonin Sharigaan,hayeeshee markii ay kulanka isaga soo baxeen ay maqleen inay ansixiyeen 20 Xildhibaan,isla markaana Baarlamaanka Jubbaland uu yahay 70 Mudane.

Waxaan wax ka weeydiinay Xildhibaanka qodobada ugu waaweyn ee Sharcigaan ay ku diidan yihiin ayuu sheegay inay ka mid yihiin iyo qodobka xudduudaha oo uu sheegay inay sharciyan u leedahay Dowladda Federaalka iyo qodobo kale.

Hoos Ka Dhageyso wareysiga Xildhibaanka oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor