Madaxa Golaha Milliteriga ee haya dalka dalkaasi ee TMC, Jeneral C/fataax Alburhaani waxa uu shalay Xafiiskiisa ku yaalla Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Danjirah Somalia u jooga dalkaasi, Ambassador C/risaaq Axmed Sheekh Maxamuud oo ay u dhamaatay Xilli-hawleedkiisa Danjirenimo ee uu u joogay dalkaasi
Danjiraha oo Kulankaasi kadib soo saaray War-saxaafadeed waxa uu kaga hadlay Kulankii uu la yeeshay Jeneral C/fataax Alburhaan, oo uu kaga mahad celiyey Taageeradda ay Dowladda iyo Shacabka Suudaan siiyaan dalka Somalia iyo Xiriirka qotadda dheer ee u dhexeeya Labada dal ee Walaalaha ah.
Danjiraha waxa uu xaqiijiyey inay Dowladda Somalia taageersan tahay Deganaanshaha Sudan, isagoo xusay in Xiriirka labada Waddan uu yahay sidii Isbahaysi oo kale.
Dhinaca kale, Danjirah Somalia u jooga dalkaasi, Ambassador C/risaaq Axmed Sheekh Maxamuud waxa uu ugu baaqay dadka Reer Sudan inay midoobaan, isla markaana difaacdaan Ammaanka iyo Deganaanshaha dalkooda Hooyo, wuxuuna u rajeeyey inay ku naalloodaan Deganaansho iyo Barwaaqo.
Danjiraha oo dhamaystay xilli-hawleedkii Danjirenimo ee uu labada sanno u joogay dalka Sudan waxa uu uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Sudan Iskaashiga iyo Taageeradda uu kala kulmay muddadii uu joogay dalkaasi.