Madaxweynaha dowlad Goboleedka Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan oo ku kulmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilka ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii loo dardar galin lahaa arimaha dib u hishiisiinta Maamulka Galmudug
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa sheegay in Soomaaliya dib u hishiisiin u baahantahay.
Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in uu bogaadinayo uuna soo dhaweynayo in Galmudug laga sameeyo dib u hishiisn xiligan la joogana aad looga baahanyahay waxa uu sheegay in uu gacan weyn ka sii doono sidii loo dardar galin lahaa loona heli lahaa dib u hishiisiin dhab.