Marxuumkaasi oo la oran jirey Sheekh Maxamed Bin Sultaan Bin Maxamed Al-qaasimi ayaa la sheegay in maydkiisa laga helay Suuliga Hoygiisa oo ku yaalla DegmaddaEast Grinstead oo dhanka Koonfur kaga toosan magaalladad London.
Marxuumka oo 39-jir ahaa waxa uu Milkiyad u lahaa Rugta Naqshadaynta Istaylka Labiska ee “Qaasimi”, wuxuuna ganacsigaasi ku soo dhex jiray tan iyo sannadkii 2008-dii.
Wargeyska The Sun ee ka soo baxa London ayaa qoray in Marxumka maydkiisa shalay laga dhex helay Suuliga Qubeyska ee Dhismihii uu degganaa, iyadoo ay hareerahiisa daadsanaayeen Cirbadaha duritaanka, iyo Taay si xoogan ugu xirnaa gacantiisa.
Dowladda Imaaraadka waxay ku dhawaaqday 3 maalin oo baroor-diiq Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka dalkaasi.
Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Khalifa Bin Zayed Al-nahyan waxa uu ka tacsideeyey geerida Marxuumkaasi.
Amiirka Imaaradda Shaarikha (Sharjah) ee dalka Imaaraadka Carabta, Sultan Bin Maxamed Al-qaasimi waxa uu Bartiisa Instagarm-ka ku shaaciyey geerida wiilkii ugu yaraa wiilashiisa ee Marxum Sheekh Maxamed Bin Sultaan Bin Maxamed Al-qaasimi.
Dhinaca kale, Wiilkiisa curudka ahaa Amiirka Imaaradda Shaarikha (Sharjah) oo lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamed Bin Sultaan Al-qaasimi waxaa la weriyey inuu geeriyooday isagoo 24-jir ah, kadib, markii uu isticmaalay Daroogo xad-dhaaf ahaa sannadkii 1999-kii, sida lagu daabacay cadadkii Isniinta ee Wargeyska The Sun.