Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Balcad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe iyada oo lasoo sheegayo in uu khasaaro ka dhashay.

Dagaalka ayaa yimid sida wararku ay sheegayaan kadib markii Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada Milatariga Soomaaliya ay halkaasi ku leeyihin halkaas oo uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa dalsan waxa ay u shegeen in Alshabaab ay ka yimadeen dhinaca wadada aadda degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose mudda saadac ahna uu dagaalku socday.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in a howlgal ka wadaan goobtii uu dagaalku ka dhacay,ilaa iyo haatana ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media