Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab oo xalay fiidkii hore ka kacay deegaanka Ceel-saliini ee duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliini, waxaana dagaalkaas uu socday muddo kooban.
Saraakiil ka tirsan kuwa Dawladda Soomaaliya ee ku sugan Ceel-saliini ayaa waxaa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana xaalada deegaanka ay degan tahay.
Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay is-dhaafsanayeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, wallow markii dambe uu dagaalkaas uu istaagay.
Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Ceelsaliini Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoona saaka xaalada deegaankaas ay tahay mid degan.