Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Hirshabeelle oo saacadihii lasoo dhaafay Wiil dhalinyaro ahaa ku dilay Garoonka kubadda Cagta ee Magaalada Jowhar.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in dilka Wiilka uu yimid kadib markii rabshado ay ka dhaceen Garoonka Ciyaaraha Jowhar xili ay soo dhamaatay Ciyaar ka socotay oo xamaasad laheyd.
Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Garoonka Ciyaaraha Jowhar ayaa doonayay inay kala Eryaan dadweyne farabadan oo u soo daawasho tegay Ciyaar ka tirsanayd tartanta horyaalka Jowhar, kuwaasi oo Albaabka hore ee Garoonka ka sameeyay rabshado iyo buuq.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah Askartii ku sugneyd Garoonka, waxaana Goobta uu falka ka dhacay Meydka Wiilkaย kasoo qaaday qaar kamid ah Eheladiisa.
Allaha u naxariistee Wiilka geeriyooday ayaa dad yaqaanay waxaa ay Magacaabiis ku sheegeen Axmed Xasan Bariise, isagoonaย kamid ahaa ardayda wax ka barata mid kamid ah Iskuulada ku yaalla halkaas.