Wararka Radio Dalsan uu ka helayo Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Xaafad ka tirsan Magaaladaas uu haatan ka dhacay dagaal culus.
Dagaalka ayaa wararka aan heleyno uu sheegayaa inuu u dhaxeeyay Ciidamada Amniga Jubbaland iyo ciidamo kale oo hab beeleed u abaabulay.
Dagaalka ayaa waxaa ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Dalsan in uu salka ku hayo amar ka soo baxay Maanta wasiirka Amniga Jubbaland oo ahaa in hub aan lagu dhex wadaan Karin Gudaha Magalada Kismaayo.
Afar Ruux oo mid ka mid ah uu yahay Nabadoon Caanka ahaa Magalada Kismaayo ayaa la sheegay in dagaalkaas uu ku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Dad ku sugan Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Amniga Jubbaland ay Madaafiic ku garaaceen Guri ku yaalla Xaafada Calanley kadib markii Ciidamada hab beeleedka u abaabulan ay galeen.
Laamaha amniga iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ee Magalada Kismaayo weli kama hadlin dagaalkaas.