Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in Bandow 12-saacadood ah lagu soo rogay magaalladda Mandera, oo ay Alshabaab dhawaan ku dileen 12 qof oo aan Muslim ahayn.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu Bandowgaasi bilaabanayo Lixda iyo Barka Fiidnimo (6:30 pm) ilaa 6:30 subaxnimo (6:30 am).
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery waxa uu sheegay inuu Amarka Bandowga saamayn doono Mandera, Cumar Jillo, Arabia, Fino, Lafey, Kotulo iyo Ceel-waaq iyo in lagu sii ballaarin doono ilaa 20 KM ee Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.
Dhinaca kale, Joseph Nkaissery waxa uu xusay inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kala shaqeyn doonaan Milliteriga sidii Mandera looga samayn lahaa Unug Talis oo Xuduudka ah.
Waxa uu intaasi ku daray in la adkeyn doono Ammaanka Xuduudka Mandera ilaa Lamu, halkaasi oo inta badan Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan Hawlgalladda.
©Radio Dalsan