Khilaaf xoogan ayaa weli ka taagan Guddiga doorashada Somaliland oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan Guddiga doorashada Somaliland ayaa haatan socda oo lagu doonayo in arrinta la dhameeyo illaa maanta duhurkii, waxaana xalinta ku howlan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dadaalada la wado uu kamid yahay in labada Garab ay kala qaataan Guddoomiye iyo ku-xigeen, inkastoo aan weli aqbalaad rasmi ah laga helin labada dhinac ee Guddiga.
Afar ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ee ka yimid dhinaca Cabdi Xaashi ayaa xalay diiday inay ka qeyb galaan doorashada hoggaanka Guddiga oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Xubanaha Guddiga ee Garabka Cabdi Xaashi ayaa dalbaday inay uga qeyb geli karaan oo kaliya doorashada in 8 xubnood ay doorashada ka qeyb galaan iyo in wada hadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira.
Si kastaba Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo kahor shaaciyay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddiga ku doorteen labada hoggaan, waxaana Guddiga hirgelinta doorashooyinka uu Iclaamiyay in Maanta oo sabti ah ay dhaceyso doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland.