Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolkaas.
Weerarkan ayaa waxaa lagu qaaday Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ahaa kuwo reer Guuraa ah,isla markaana waxaa wadada u galay kooxo hubeysan oo rasaas xoogan ku furay Gaariga ay saarnaayeen dadkaasi.
Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee Magaalada Baladweyne ayaa soo sheeagaya in weerarka uu ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaaanada Baanyaaleey iyo Teedaan ee Gobalka Hiiraan.
Ugu yaraan 6 ruux oo uu ku jiray Darawalkii waday Gaariga ayaa ku geeriyooday weerarkaasi,halka ay ku dhaawacmeen 5 qof kale oo dhammaantood ahaa shacab,waxaana dhaawacyada loo qaaday Isbitaalka Degmada Maxaas oo haatan lagu dabiibayo.
Dadkan la laayay ayaa isugu jiray Haweeyn iyo Caruur yar yar,isla markaana waxaa ay u socdeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ka Da’een Roobab ,waxaana ay ahaayeen dad reer Guuraa ah.
Warar hoose oo ay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho heleyso ayaa sheegaya in dhacdadaan ay salka ku heyso arrimo la xiriira aano Qabiil.