Xarun lagu xannaaneeyo dadka waayeelladda oo ku taalla dalka Faransiiska ayaa la sheegay in 5 qof oo da’ ah ku geeriyootay, halka 12 kalena ay ku jiraan xaallad khatar ah.
22 qof oo da’ ah ayaa la sheegay inay xalay ku xanuunsadeen cunto ay ka cuneen xarun lagu xannaaneeyo dadka waayeelladda oo ku taalla DegmaddaLahren oo u dhow magaalladdaToloose.
22 qof ayaa la sheegay inay dhibaato ka soo gaartay cuntadaasi, iyadoo 4 ka mid ah u geeriyoodeen.
Xafiiska Dacwad-oogaha ee magaalladaasi, ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan, iyadoo muunad ka mid ah cuntada lagu sumoobay loo gudbiyey Shaybaarka Laanqeyrta Cas si loo baaro suntan ku jirtay cuntada lagu le’day.