Wasaaradda caafimaadka xukuumadda ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19, 12 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 30 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay rag 8-na haween.
35 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 3 qof oo ku sugan Somaliland.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873, waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.