Dab xoogan ayaa waxaa uu daqiiqado kahor ka kacay goob lagu aar-yeeyo taayarada gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee loo yaqaano Goomiistaha oo ku taalla agagaarka Taaladda Daljirka daah-soon ee Degmada Boondheere.
Dabka ka kacay goobta Goomiistaha aheyd ayaa waxaa uu ahaa mid muddo kooban socday, isla markaana dadaalo dheeraad ah oo la sameeyay ayaa lagu guuleystay demintiisa.
Qiiq iyo uuro Madow ayaa Cirka isku shareertay, taasi oo laga arkayay Degmooyinka ku teedsan Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana goobta uu dabku ka kacay gaaray gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka.
Waaxda dab demiska iyo dadweyne farabadan ayaa ku guuleystay deminta dabka, isla markaana waxaa gabi ahaan burburtay goobtii Goomiistaha aheyd ee dabku qabsaday.
Dad ku sugnaa agagaarka goobta Goomiistaha xiligii uu dabku kacayay ayaa Dalsan u sheegay in suurta-gal ay tahay in dabkaas uu ka dhashay koronto, mana jiro Khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka, waxaana jiro oo kaliya mid hantiyeed.