Dhageyso:-Xildhibaan Shaacir”Mooshinkii aan saxiixay 3 Maalin ka hor ayaan ka laabtay”

Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir oo ka mind ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in uu ka mid ahaa Xildhibaano saxiixay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo isla markaana uu ka laabtay.

“Waxaan cadeynayaa in aan ka laabtay mooshinkii aan saxiixay mudo 3 Maalin ka hor ee an ka wadnay aniga iyo xildhibaano kale Madaxweyne Farmaajo mooshinkaas oo aan cidna igu qasbin markii hore hadana aan ka laabtay ayuu yiri Xildhibaan Shaacir”

Waxa uu sheegay in sababaha uu mooshinkas uga laabtay ay tahay in dalka uu ku jiro duruufo adag iyo in madaxweyne Farmaajo oo ku jira ama dadaal ku bixinayo sidii xal looga gaari lahaa dhibaatada daba dheeraatay ee dalka ka jirta.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Xildhibaano kale oo uu sheegay in ay mooshinka wax ka saxiixeen in ay ka laabtan iyaga oo fiirinaya dhibaatada dalka ka jirta.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xili maalmahaan uu jiro guux ku aadan in uu socdo moooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo ay wadaan xildhibaano mucaarad ku ah dowladda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media