Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo soo dhaweyn loo sameeyay.
Qoysaska Qaxootiga ah oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa waxaa Dekadda Boosaaso kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Puntland, waxaana qoysaska ay u badan yihiin haween iyo Carruur.
Qaxootiga ayaa waxaa Dekadda Boosaaso looga daabulay gaadiid, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Puntland ugu tala-gashay in la dejiyo qaxootiga kasoo cararaya Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in qaxootiga Xarunta la geeyay lagu lagu siiyay adeegyo ay ka mid yihiin Cunto bisil, biyo iyo adeegyo Caafimaad oo Deg-deg ah.
Xaaladdaha Bani’aadamnimo iyo dagaal ka socda Yaman ayaa horseeday Qulqulka Qaxootiga badan ee soo gaaraya Puntland, waxaana horey Puntland u gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha Yemen, kuwaasi oo dib u dejin loo sameeyay.