Siihayaha RW Dalka oo xariga ka Jaray Machadka sare ee Daraasaadka Amniga

Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay.

Ujeedada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga dalka.

Dowladda ayaa dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga dalka, waxaana guul weyn laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga dalka, arrintaas oo sahashay in deegaanna badan oo argagaxisadu ay dadka ku dhibaateyn jirtay dib loogu soo celiyay gacanta dowladda, ayna noloshii caadiga aheyd dib uga billaabatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media