(DAAWO): Diyaaradii Rakaab ee ugu horreysay oo si toos isaga kala gooshtay Muqdisho iyo Nairobi.

Duullimaadkii Diyaaradaha Rakabka ee sida tooska ah isaga kala gooshi jirey Caasimadaha Somalia iyo Kenya ayaa maanta dib loo bilaabay, iyadoo aysan Rakaabka la kulmin wax culays ah.

Dhoofayaasha ayaa soo dhaweeyey Tallaabadaasi, waxayna ka nasteen safarkii la sii mari jirey Garoonka Wajeer, ee lagu baari jirey Rakaabka ku sii jeeda Nairobi iyo Shanadaha ay wataan.

Diyaaradda African Airways ayaana Dhoofayaashii ugu soo horreysay keentay Muqdisho, kuwo kalena u qaaday Nairobi.

Isbuucii hore ayey Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Kenya waxay isla gaareen dhowr Heshiis oo ay ku jirtay in la bilaabo Duullimaadka Diyaaradaha sida tooska ah isaga kala goosha Muqdisho iyo Nairobi oo la xayiray 10-sanno ka hor.

Tallaabadda uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku oggolaaday Heshiiskaasi ayaa meesha ka saartay Dhaqan-gelin La’aanta Heshiiskii ay isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ku kala saxiixdeen Muqdisho bishii   September 13-dii ee sannadkii hore.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media