• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Daawo:-10 Qodob oo laga soo saaray Shir Hawleedka Saddex-Geesoodka ee Hay’adaha Dastuurka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
February 7, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 7 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir wadajir ah oo afar maalin ay lahaayeen seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka.

Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre oo shirka soo xiray ayaa bogaadiyay waxqabadka muuqda ee ay sameeyeen seddexda hay’ad, waxa uuna sheegay in xukuumadda ay ku garab taagantahay hay’adaha sidii loo dhameesytiri lahaa Dastuurka.

Sidoo kale waxaa dhankooda xiritaanka shirka ka hadlay Wasiir Cabdi Xoosh, Gudoomiye Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Maxamed Daahir Afrax iyagoo si wadajir ah u ballanqaaday in hay’adaha ay si labalaabi doonaan howlahooda korna u sii qaadi doonaan wadashaqeynta ka dhaxeeysa.

La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedka ka soo baxay shirka oo u qornaa sida tan:-

WAR-MURTIYEED:-

Kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Hay’adood ee u xilsaaran Arrimaha Dib-u- eegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Dib -u- Eegisda iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka 4 – 7 Febraayo 2019, ayaa lagu qiimeeyay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadkii 2018 iyo sii ambaqaadka sanadka 2019. Kulanka waxaa kasoo qayb galay hay’adaha dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga lasocodka Dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayadoo ay goob joog ka ahaayeen Hay’adaha caalamiga ee UNSOM, UNDP iyo Max Planck.

Saddexda hay’adood ee Dastuurka markii ay si qoto-dheer dib–u –eegis ugu sameeyeen tubta geedi socodka dib -u -eegista Dastuurka isla markaana qodob-qodob loo dul istaagay qorshahaas, waxaa la isla qiray in horumar weyn laga gaaray fulinta tubta geedi socodka dastuurka; waxaase soo baxay caqabado dhowr ah oo isugu jira kuwo la xiriirra qaab-dhismeedka, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Caqabadaha saameeyay habsami usocodka dib-u-eegista dastuurka 2018 waxaa ka mid ahaa: Khilaafaadka siyaasaadeed ee u dhexeeyey Dowladda Federalka Soomaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, walaac laga muujiyay hay’ado aan dastuuri ahayn oo faraha kula jiray dib-ueegista Dastuurka, ergadii mataleysay Dawlad Goboleedyada kuna biiri lahaa Guddiga Madaxabannaan oo aan wali la dhamaystirin, isbarbar yaac ka jiray arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka, iska warqab la’aan ka jirtay hay’adaha taagera geedisocodka dib-u-eegista dastuurka iyo miisaaniyaddii loo qoondeeyey dib-u-eegista dastuurka ee 2018 oo aan sidii loo qorsheeyey loo helin iyo qoondadii 2019 ee hay’adaha dastuurku ay gudbiyeen oo aan la tixgalinin.

Hadaba, hay’aduhu waxay soo jeedinayaan in la qaado tallaabooyinka soo socda si loo xalliyo caqabadahaas:

1: In laga fogaado khilaafka siyaasadeed ee dhaawici kara geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka lana dadajiyo Arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, sida qodobada 54aad iyo 122aad, wada hadalka Soomaaliland IWM ah.

2: Geeddi-socodka Dib-u-eegista dastuurka waa inay hogaamiyaan seddexda hay’adood ee heer Federaal ee loo igmaday.

3:In Wasaaradda Arrimaha Dastuurku ay ku soo dhameystirto sida ugu dhakhsaha badan ergadii ku matali lahayd Dowlad Goboleedyada Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.

4: Waxaa lagu heshiiyey in arrimaha wacyigelinta si wadajir ah looga hawl galo ayadoo la raacayo Qorshe-Hawleedka Geeddi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

5: Wasaaradda Arrimaha Dastuurku waa in ay u hawl gashaa sidii la isugu keeni lahaa dhammaan hay’adaha caalamiga ee taageera dib-u-eegista dastuurka si loo looga yeesho aragti midaysan taageerada hawlaha geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

6: In Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ay bixiso miisaaniyaddii loo qoondeeyey Dib-uEegista Dastuurka 2019, islamarkaana dib-u-eegista miisaaniyada xiliga dhexe ee 2019 qoondo ku filan loogu daro hay’adaha loo igmaday dib-u-eegista dastuurka.

7: Waxaa la go’aamiyay in la bilaabo latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay laga bilaabo bisha Maarso 2019.

8: Waxaa la isla gartay in ladadajiyo dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka cutubyada ka harsan.

9: Waxaa lagu boorinayaa dhamaan hay’adaha qaran ee ay quseeyso shuruucda iyo hay’adaha hortabinta u leh dib-u-eegista dastuurka inay soo dhamaystiraan shuruucda iyo dhismaha hay’adaha looga baahanyahay.

10: Waxaa lagu balamay in kulanka xiga ee qiimaynta dib-u-eegista dastuurka ee hay’adaha dastuurka inuu qabsoomo 1da Juun 2019.

Gabagabadii, hay’adaha dib-u-eegista dastuurka waxay ugu bishaaraynayaan ummadda Soomaaliyeed in geedi socodka dib-u-eegista dastuurka laga gaaray horumar wayn lana dhamaystiri doono inta dhiman sida ugu dhaqsiiyaha badan. Kulanka waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso;- Barnaamijka Wareega Wararka 24 Saac Ee Radio Dalsan

Next Post

Dhageyso:-Gaadiid lagu gubay Shabeellaha Hoose & Maamulka Gobolka oo ka hadlay

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Dhageyso:-Gaadiid lagu gubay Shabeellaha Hoose & Maamulka Gobolka oo ka hadlay

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle

by Liban
July 17, 2025
0

Marka, Somalia  – The Somali National Army (SNA) has carried out a well-coordinated military operation in the Busleey area of...

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

by Liban
July 17, 2025
0

Algiers, Algeria  – A high-level delegation from the Federal Government of Somalia, led by the State Minister for Public Works,...

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

by Liban
July 17, 2025
0

Mogadishu — Bilan Media, Somalia’s first and only all-women newsroom, is offering Somali women journalists the chance to win $1,000 for...

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

by Liban
July 17, 2025
0

MOGADISHU – In a grand ceremony held last night in Mogadishu, the Somali Bankers Association honored the Federal Government of Somalia’s...

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle
English News

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria
English News

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists
English News

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa
English News

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle
  • Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria
  • Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists
  • Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00