Ciidamo katirsan Puntland iyo kooxo hubaysan oo loo malaynayo iney Daacish yihin ayaa caawa waxaa iska hor imaad xoogan ku dhexmaray halka ay isaga darmaan wadada laamiga ah iyo jidka Sodanka magaalada Boosaaso.
Wariyaha Dalsan ee Puntland aaaa soo sheegaya in Iska hor imaadka labada dhinac uu ka dhashay khasaare, waxaa ilo xog ogaala ay xaqiijiyeen in dhaawcyo ilaa afar ruux gaaraya la gaarsiiyey cisbitaalka guud ee Boosaso.
Shakiga ku saabsan in kooxdan ay Daacish yihiin ayaa imaanaysa xili saakadi hore maydka saddex dhallinyaro ah oo qoorta laga gooyey laga helay deegaanka Karin oo masaafo 50KM ujirta degmada Qandala halkaas oo ay weeraro ku dhufoo ka carar ah ka soo qaadaan Daacishta Puntlanad