Iyadoo Ciidamadda dowladda Soomaaliya ay 2-dii bishan October xabsiga ay dhigeen labo wariye oo ka howlgalayay TV-ga Universal kuwaas oo kala ahaa agaasimaha Tv-ga ee Bariga Afrika Cabdulaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Dahir Salaad ayaa waxaa arintaasi si aad ah u cambaareeyay oo wax laga xumaado ku tilmaamay Golaha Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ.
Hadal qoraal ah oo kasoo baxay CPJ ayaa lagu sheegay in xariga wariyaasha loo geestay ay tahay wal wal dhinca amaanka oo wali ka jira dalka Soomaaliya.
“Waa Cambaareeneynaa Xariga loo geestay Abdullahi Hersi,Awil Dahir Salad iyo xariga Tv-ga Universal” sidaasi waxaa yiri wakiilka CPJ ee bariga Afrika Tom Rhodes.
“waxaa ugu baaqeynaa masuuliyiinta dowladda in ay joojiyaan dhibaateynta saxafiyiinta islamarkaana ay dhowraan xuriyadda warbaahinta madaxa banaan, sida uu qabo dastuurka dalka.”
Hey’addaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa ku baaqay in si shuruud la,aan ah lagu sii daayo wariyaaasha Tv-ga Universal oo u xeran dowladda soomaaliya.