Mid kamid ah Qaxootiga udhashay dalka Yemen oo ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa lagu soo waramayaa in uu isku horgubay, Afaafka hore ee Xafiiska hey’adda Qaramada Midoobe uqaabilsan Dhinaca Qaxootiga ee UNHCR,sababo ay goobjoogayaal ku sheegeen in wax uqabasho la’aan.
Muwaadinkaasi dalka Yemen kasoo jeeday, ayaa ilaa iyo iminka aan la xaqiijin magaciisa, waxaana isaga iyo qoskiisa ay kasoo qaxeen dagaalada sokeeye ee dalka Yemen ka qarxay, waxana isaga iyo qoyskiisa ay ku sugnaayeen magaalada Hargeysa ee soomaaliland.
Goobjoogayaal ayaa sidoo kale shegay in Marxuumkaasi, uu sidoo kale ka cabasho uu ka muujiyay, xuquuqo caawimaad oo lagama maarmaan ah oo uu san ka helin hey’adda.
Tan iyo markii ay dagaalada sokeeye ay ka qrxeen dalka Yemen oo udhexeeya Xuutiyiinta iyo dowlada Yemen oo taageero ka heleysa wadada carabta qaar kamid ah, ayaa waxaa degaanada Somaliland iyo Puntland gaaray ku dhowaad 300 oo Qaxooti udhashay dalka Yemen, sidoo kale bishii june maamulka Puntland ayaa dib udejin usameysay Qaxootigaasi, iyadoona Magaalada Muqdishu ay gaareen tira kabada kuwa degaanada Somaliland iyo Puntland gaaray.