Cosoble iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Jowhar iyo xaalada oo kacsan

Magalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe  waxao Goordhow gaaray Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle balse ay shalay  xilkii ka qaadeen Xildhibaanada Maamulkaas iyo gudoomiyaha Baarlaamanka.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in labada Masuul ee Cosoble iyo Gudoomiyaha Barlamanka Hir-Shabeelle  ay jowhar ku tageen laba Diyaaradood in kastoo Siyasaada aysan aheyn kuwo isku khilaafsan.

Sidoo kale waxaa Garoonka Jowhar ku sugnaa Xildhibaanada Baarlamanka Hir-Shabeelle kuwaas oo iyana laba qeybood kala ahaa,waxaana la sheegay in qaarkood ay ku dhawaadeen in ay Gacmaha iskula tagaan walow markii dambe la xliyay.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in haatan Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay laba Goobood ku kala shirsan yihiin kuwii xilka ka qaaday madaxweyne Cosoble iyo kuwa taageersan oo ka soo horjeeda xilka qaadista.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media