Ciidanka Xoogga oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay deegaano hoostaga deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga ayaa howlgal sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Faranki, Falgooni iyo gaarilow oo hoostaga deegaanka Jannaale, waxaana halkaas ku sugnaa xubno ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxaana uu sheegay in inta uu socday howlgalka inay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliye Cabdixamiid ayaa Ciidanka Xoogga dalka faray inay sii wadaan howlgalada ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaanada kale ee dalka, wuxuuna sheegay in xubno shabaab ah ay isku soo dhiibeen, waa sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media