Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas laamaha amaanka Magaalada ay ku qarxiyeen Miino nooca dhulka lagu aaso ah, taasi la geliyay inta u dhexeeysa Aargada Gaaco ilaa iyo Shirkadda Goolis.
Ciidanka amniga Boosaaso ayaa xiray xalay ilaa iyo saakay  isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada Aargada Gaaco ilaa iyo Shirkadda Goolis, kadib markii dadka deegaanka ay sheegeen in miino halkaas lagu aasay.
Sidoo kale Ciidanka Boosaaso ayaa goobta ka sameeyay howlgal miino baaris ah, isla markaana ay ku xaqiijinayan amniga, waxaana dib u soo laabtay isku socodka dadka iyo Ganacsigii halkaas ka jiray.
Ugu dambeyntii Saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uusan geysan wax Khasaaro ah oo si nabad ah ay ku qaraxiyeen.
Si kastaba Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca falal amni darro, waxaana inta badan mas’uuliyada falalkaas sheegta Al-shabaab.