Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Nin walaalkiis la dhashay xalay ku dilay halkaas.
Ciidamada amniga oo saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday Xaafadaha kala duwan Dhuusamareeb ayaa soo qabtay Faa’id Salaad Caraale oo dilay walaalkiis, kadib markii muran gacan ka hadal ah uu soo kala dhexgalay.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Raage Saalad Caraale, waxaana falka dilka uu ka dhacay Xaafada Waabari, iyadoona dhacadaas ay dadka deegaanka ay siweyn uga naxeen
Taliyaha Booliiska Dhuusamareb ahna Taliyaha Xasilinta Caasimada Gaashaanle C/lahi Xasan Macallin ayaa sheegay in Faa’id Salaad oo ahaa Ninka gacan ku dhiiglaha uu hada ku xiran yahay saldhiga Booliska Magaalada.
Sidoo kale Taliye Xasan Macalin ayaa waxaa uu tilmaamay inay wadaan Baaritaano la xiriira waxyaabaha keenay in Faa’id uu Dilo Walaalkiis, isla markaana wixii kasoo baxa ay dib kasoo sheegi doonaan.