Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidamada NISA, Duufaan, Booliska gaarka ah ee Haramacad iyo Ciidanka Xoogga ee Gorgor ayaa howlgal wada jira ka fuliyay tuuloyinka saaran Wabiga Shabeellee sida Laanqeerta, Tokiyo, Ceelshalle, Beerta Cali Mahdi iyo Boolo Fooliyo.
Saraakiisha Ciidanka hor kacaya ayaa sheegay in Howgaladaasi oo ahaa kuwo qorsheysan ay Ciidamadu saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degaanadaasi, waxaana ay sheegen in ay guulo ka gaareen.
Saraakiisha ayaa tilmaamay in Burburiyeen goobo Al-Shabaab lahaayeen degaanada ay howgalada ka sameeyen, oo ay ku jiraan Maxkamad ay halkaasi ku lahaayen dagaalamayaasha Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen Saraakiishuye.
Howgalka ay Ciidanku ka sameeyen tuuloyinka saaran Wabiga Shabeellee sida Laanqeerta, Tokiyo, Ceelshalle, Beerta Cali Mahdi iyo Boolo Fooliyo ayaa waxaa ay tilmaameen in ay sidoo kale ku qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab,inkastoo aysan jirin Cidka madaxbannaan Ciidanka Dowladda oo xaqiijisay arrintaasi