Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen inta u dhexeeysa deegaanka Shalaanbood iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha hoggaamineyso Howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in Ueedka howlgalkani uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka dhabaha xiriiriya degaanka shalaanbood iyo degmada Afgooye.
Ciidanka ayaa intii ay howlgalka kuguda jireen waxay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo in ay katirsanyihiin Al-shabaab kuwaa oo qaarkood looga shakiyay in ay ku howlanaayeen falal amniga lid ku ah.
Taliyaha ururka 14aad guutada 14 october dhamme cisman Muuse Mohamed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay wadeen howlgalo qorsheysan oo looga hortegaayo weeararda Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.