Madaale oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn Danjiraha cusub ee Turkiga Amb. Alper Aktaş ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna sheegay in Turkiga uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya oo xilliyo adag soo garab taagnaa.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, sii wadista mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Turkiga iyo Hey’addaheeda kala gedisan ka fuliyaan Muqdisho iyo sidii loogu wada-shaqeyn lahaa Mashaariicyo cusub oo lagu horumarinaayo Gobolka Banaadir.

Danjire Alper Aktaş ayaa ugu mahadceliyay Duqa Muqdisho soo dhaweynta Walaaltinimo ee loo sameeyay, asigoona tilmaamay in uu sii xoojin doonno wada-shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta mashaariicda lagu hormarinaayo Caasimadda Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor