Ciidanka Dowladda oo 10 sano kadib la wareegay degaan ka tirsan Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalamayaasha AL-Shabaab lagala wareegay deegaanka Xagar ee Gobolkaasi.

Degmada Xagar ee goboolka jubbada hoose ayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland, waxaana dagaalamaayasha Al-Shabaab deegaankaas ay gacanta ku hayeen muddo 10 sano ah.

Guddoomiye Ku xigeenka Afmadoow wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in haatan degaankaasi ay si buuxda gacanta ugu hayaan.

Waxaa intaasi uu kusii daray in degaanno kale oo ka ag-dhaw Degaanka Xagar ay isaga baxeen AL-Shabaab, haatanna ay kusii siqayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply