Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo sida la sheegay ka tirsanaa dagaalamaayasha AL-Shaabab.
Duqow ayaa Al-Shabaab uu kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxaana uu u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo qoraxyada sida ay Maxkamaddu sheegtay.
14 May sanadkaan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan, xiligaasi oo ay gacanta ku dhigeen hayโadaha amniga.
๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ Cabdi Muumin oo 15 sano oo xabsi ciidan ah.