Abaanduuhii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhawaaan xilka laga qaaday Cabdullaahi Cali Caanood oo wata Gaadiid iyo Ciidan farabadan ayaa maanta waxa ay gaareen degmada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Jenaraal Caanood oo ay la socdaan Afartameeyo Gaadiidka dagaalka ah oo ay ku jiraan beebayaal ayaa shalay waxaa qarax lagula eegtay agagaarka deegaanka Nambar 60 ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose wallow uu sheegay in wax khasaaro ah aysan ka soo gaarin.
In kastoo uu ciidamo aad u farabadan uu wato Jenaraal Caanood ayaa hadana waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in ay ku wajahaan yihiin deegaano hoostaga degmada Marka oo ay doonayaan in ay kala wareegaan Al-Shabaab oo gacanta ku haya,wallow Jenaraalka uusan weli arrintaasi ka hadlin.
Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa wax ay sheegayaan in uu ku wajahan yahay gobolka gedo,isla markaana uu ka careysan yahay xilka qaadistii uu dhawaan ku sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dad ku sugan degmada Shalaanbood ayaa waxa ay sheegeen in ay arkayaan Gadiidka dagaalka ee uu wato Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka,kuwaas oo fariisin ka sameystay Guadha degmada iyo daafaheeda.
Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya weli dhankooda kama hadlin qorshaha jenaraal Caanood iyo Gaadiidka faraha badan ee uu wato kuwaas oo hadda ku sugan degmada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose.