Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Maanta waxa ay howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.
Howlgalka ayaa ka dambeysay ka dib markii xalay xilligii Salaadii Maqrib qarax Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay tuulada Gololeey oo 10km u jirta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Qaar ka mid ah Darawalada Gaadiidka ku safra Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay arkayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo Wadadaasi howlgal ka wada,isla markaana mararka qaar ay rasaas ridayaan.
In kastoo weli Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya aysan faah faahin ka bixin howlgalkaas ayaa hadana waxaa weli howlgalka laga dareemayaa deegaano ka tirsan degmada Balcad.
Dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo kuwo Mareykan ah waxa ay howlgal ka fuliyeen Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye wallow markii dambe ay dib uga soo laabteen.