Ciidamada dowlada dowlada oo howlgal gaar ah ku soo qabtay 2 ruux oo Al Shabab lala xiriiriyay

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa goor dhaw maanta waxa ay howlgal gaar ah ka sameeyen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo kale oo ajaanib ah iney ka qeyb qaaten howlgalkasi.

Ugu yaraan laba ruux oo looga shakisan yahay Al Shabab ayaa lagu qabtay howlgalkasi oo ahaa mid si gaar ah loo soo qorsheyay sida ila wareedyo ay sheegayan.

Ma jirin dad kale oo ay ciidanka waten marka laga reebo labadasi nin oo ay kala soo baxen guri ku yaala degmada Waaberi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor