Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa waxa ay howlgallo dadka lagu qab qabanayo ka wadaan inta badan Xaafado ka tirsan degmada Hodan.
Howlgalka ayaa intiisa badan waxa ay ka socdaan Xaafada Siigaale oo ka tirsan degamada Hodan,. Waxaana Wariyaheena Cadar Maxamed Maxamuud ay soo sheegeeysaa in weli howlgalka uu socdo islamarkaana Ciidamadu dadkii ay qabteen oo dhalinyaro u badan ay hal goob isugu geeyeen.
Sidoo kale Wariyaheena ayaa soo sheegeysa in dadka la qabqabtay ay kor u dhaafayaan ilaa 500 oo Ruux kuwaas oo hadda ay ciidamadu baaritaan ku hayaan.
Macada waxa xiligaan ku soo beegay howlgalka,balse habeenadii la soo dhaafay ayaa Ciidanka dowladda waxa ay howlgalo ka sameynayeen Xaafado ka tirsan degmada shibis.