Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xalay saxiixay miisaaniyadda maamulka Goboleedka Hirshabeelle ee 2022 oo hore uu u ansixiyey Golaha Wasiirada, ayna meelmariyeen Golaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ee sida xilkasnimada leh u gutay waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa ansixinta Miisaaniyadda cusub ee maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka Hirshabeelle oo dadaal ku bixisay diyaarinta iyo jaangooynta miisaaniyadda Dowlad Goboledka Hirshabeelle.