Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa xalay Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Qaar ka mid ah Musharixiin u taagan kuraas Golaha shacabka ah oo deegaan doorashoodu ay tahay Hirshabeelle.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay sida wararku tilmaamayaan Musharixiiin gaaraya ilaa 50 murashax, oo u taagan kuraaska ka tirsan Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa sida la sheegay lusoo dhamaaday is afgarad, iyadoo dhinacyadu ay isku raaceen in Xaaladda la dejiyo oo kuraasta si daahfuran loogu tartamo, maaddaama xiisad ay ka dhalatay kuraas la sheegay in Musharixiinta qaar loo xiray.
Maaalmihii u dambeeyay Ciidamo iyo hub fara badan ay hareeyay magaalada, waxaana Xalay Magaalada ka dhacay iska hor imaad kooban sida wararku sheegayan, kaasi oo salka ku haya muran iyo is-qabqabsi ka dhashay mid ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo shaqsi loo xiray.
Kulanka Xalay ka dhacay baladweye ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed iyo Musharixiinta ayaa sidoo kale la isku afgartay in Ciidamada faraha badan laga dulqaado magaalada, sidoo akle waxaa la go’aamiyay sida aynu xog hoose ku helnay in aan kursi dambe loo xirin doonin musharax gaar ah.